Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Frnace ee Karim Benzema ayaa shaaca ka qaaday meesha uu doonayo in uu kaga fariisto ciyaaraha kubada cagta.

Xiddigan reer Frnace ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda Real Madrid kula sii joogi doono ilaa sanadka 2022.

Kadib heshiiska cusub Karim Benzema ayaa doonaya in uu ciyaaraha kubada cagta ku dhamaysto kooxda Real Madrid una sii ciyaaro kooxda ilaa inta uu ciyaaraha ka fariisanayo.

 “Waan ku faraxsanahay in aan sii dheeraystay joogitaanka kooxda ugu fiican adduunka”ayuu Benzema u sheegay website-ka kooxda.

“Waxa aan doonayaa in aan ciyaaraha kaga fariisto halkan Ma jirto koox kale oo aan la bar-bar dhigo kooxdan waxana ay noqon doontaa kooxda ugu dambaysa ee noloshayda ciyaareed”.

“Aad ayaan ugu faanayaa guulaha aan halkan ku gaaray laakiin waa in aan diirada saaro mustaqbalka iskuna dayo in aan ku guulaysto koobab badan oo kale”