Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Andres Iniesta Ayaan ku biiri doonin Kooxda Juventus xagaagan kadib markii uu xiddigu qalinka ku duugay heshiis cusub.

Khabiirkan reer Spain ayaa xiddig xor ah noqon lahaa xagaaga dambe xilli ay wararku la xiriirinayeen in uu ku biiri doono kooxda Juventus.

Waxa uu la mid ahaa qorshihii ay Bianconeri ku keentay Andrea pirlo sanadkii 2011 wakhtigaas oo ay heshiiska xorta ah ku keentay garoonka Juventus Stadium.

Si Kasta ha ahaatee Blaugrana ayaa maanta xaqiijisay in uu Iniesta qalinka ku duugay heshiis cusub kaas oo 33 jirkan ku hayn doona Camp Nou inta ka dhiman noloshiisa ciyaareed.

Kooxda Barcelona Oo Warbixin ka soo saartay Arintaas ayaa tiri”Andrés Iniesta ayaa kooxda Barcelona u saxiixay heshiis muddo dheer ah kaas oo kooxda ku sii hayn doona inta ka dhiman noloshiisa ciyaareed”.

“Saxiixa heshiiska ayaa ka dhici doona Camp Nou saacada 2:30 duhurnimo ee saacada geeska Africa isaga oo ay wakhtigaas wehelin doonaan madaxweynaha kooxda ee Josep Maria Bartomeu xilli Iniesta shir ku qaban doon qolka Shirarka ee Camp Nou”.