Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa Arsenal ku riixi doono in uu midkood ku biiro kooxaha Man United,Barcelona iyo Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Tan iyo markii uu ku soo biiray Arsenal sanadkii 2013 Ozil ayaa noqday xiddig laf dhabar ka ah Gunners isaga oo kula guulaystay 2 FA Cup 4-tii sano ee uu la joogay kooxda.

Xiddigan reer Germany ayaa xagaaga dambe noqon doona xor waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Arsenal kadib markii ay maamulka Gunners diideen dalabaadkiisii.

Xagaagii ayaa la rumaysnaa in ay wadahadalada heshiis kordhintu meel fiican marayaan oo uu xiddigan ku dhawyahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Arsenal.

Laakiin waxa wali lala xiriirinayaa in uu ka tagi doono kooxda xilli ay tartanka ku soo biirtay kooxda Man United xilli Jose Mourinho la aaminsanyahay in uu xiiso u qabo xiddigiisii hore.

Shabakada caalamiga ah ee Goal.com ayaa sheegaysa in ay United ka mid tahay 3 kooxood oo uu midkood ku biiri doono marka uu ka tago Arsenal xilli ay Barcelona iyo Real Madrid ku jiraan meesha uu ku dambayn karo.