Weeraryahanka Man United ee Lukaku ayaa lagu waramy in uu ka maqnaanayo kulamada qarankiisa ee is reeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka .

Waxaa la xaqiijiyay in Lukaku seegayo kulanka Bosnia-Herzegovina ee dhacaya 7-da bishaan oo ku beegan sabtida xilli Belgium-ka marti  u yihiin Bosnia.

Lukaku ayaa ku dhaawacmay tababarka qarankiisa waxaana laga gaaray canqawga waxa ayna Belgium-ka ka baqayaan in dhaawaciisa sii xoogeysto sidaa darted kulankaas sabtida ma safayaan

Waxaa la xusayaa in Lukaku uu dhanka kale diyaar u ahaanayo kulanka  midkaas xiga ee ay talaadada ee ay la ciyaarayaan Cyprus waxa uuna kulankaas dhacayaa 10-ka bishaan

Dhaawaca Lukaku ayaa lagu waramay in uu ka soo biloowday jug ku gaartay kulankii Crystal Palace xilligaas  ay United ku badiyeen afar gool oo nadiif ah .