Wargayska Daily Mirror ayaa warbixin ka diyaariyay 20-kii xiddig ee ugu fiicnaa dhinaca gool caawinta ee soo maray horyaalka premier league laga bilaabo intii magaca cusub loo biyay horyaalka sanadkii 1992.

Kevin de Bruyne ayaa si Rasmi ah u noqday xiddigii ugu caawinta fiicnaa ee taariikhda premier league soo maray abid.

Xiddiga man city uga ciyaara khadka dhexe ayaa caawiye ka noqday 31 gool tan iyo markii uu yimid England gaar ahaan horyaalka premier league.

Kevin de Bruyne ayaa garaacay halyeeyo badan oo soo maray horyaalka premier league isaga oo galay kaalinta 1-aad xiddga ugu caawinta badan goolasha isaga oo garaacay xiddigaha ay ka mid yihiin Ryan Giggs,Frank Lampard iyo Thierry Henry.

Halyeeyada aynu kor ku soo xusnay ayaa dhabcan ka caawin badnaa laakiin xiddigan ayay ku qaadatay daqiiqado ka yar daqiiqadaha ay iyaga ku qaadatay.

Hadaba waxa aanu warbixin ku soo bandhigi doonaa 25-kii xiddig ee ugu caawinta fiicnaa taariikhda horyaalka premoer leageu:

  1. Kevin de Bruyne – 181 daqiiqo baas kasta (31 Caawin)
  2. Jose Antonio Reyes – 214 daqiiqo baas kasta (21 caawin)
  3. Nani – 225.9 daqiiqo baas kasta (43 Caawin)
  4. Cesc Fabregas – 222.5 daqiiqo baas kast (107 caawin)
  5. Dennis Bergkamp – 236.2 daqiiqo baas kasta (94 caawin).
  6. Mesut Ozil – 244.5 daqiiqo baas kasta (42 caawin).
  7.  Eric Cantona – 245.7 daqiiqo baas kasta (56 caawin).
  8. David Silva – 255.7 daqiiqo baas kasta (70 caawin).
  9. Matt Phillips – 263.1 daqiiqo baas kasta (21 caawin).
  10. Eyal Berkovic – 265 daqiiqo baas kasta (41 caawin).
  11. Vladimir Smicer – 269.4 daqiiqo baas kasta (24 caawin).
  12. David Beckham – 269.6 daqiiqo baas kasta (80 caawin).
  13. Ryan Giggs – 286.6 daqiiqo baas kasta (162 caawin).
  14. Thierry Henry – 288 daqiiqo baas kasta (74 caawin).
  15. Christian Eriksen – 295 daqiiqo baas kasta (40 caawin).
  16. Dusan Tadic – 305.9 daqiiqo baas kasta (24 caawin).
  17. Santi Cazorla – 308.8 daqiiqo baas kasta (35 caawin).
  18. Andrey Arshavin – 312.9 daqiiqo baas kasta (20 caawin).
  19. Paolo Di Canio – 317.3 daqiiqo baas kasta (49 caawin).
  20. Didier Drogba – 319.1 daqiiqo baas kasta (55 caawin).
  21. Matt Le Tissier – 323.4 daqiiqo baas kasta (64 caawin).
  22. Jesus Navas – 334.5 daqiiqo baas kasta (22 caawin).
  23. Chris Waddle – 336.6 daqiiqo baas kasta (27 caawin).
  24. Juan Mata – 340.1 daqiiqo baas kasta (43 caawin).
  25. Laurent Robert – 341.9 daqiiqo baas kasta (32 caawin).