Horyaalka Premier league ayaa si cajiib ah u socda xilli labada kooxood ee reer Manchester isku garbinayaan kaalinta 1-aad halka kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayna wax badan ka fogayn.

Saxiixyo cusub ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay oo ay ugu horeeyaan xiddigaha Romelu Lukaku, Alvaro Morata,Mohamed salah iyo qaar kale oo badan.

Laakiin waxa jira xiddigo cusub oo aan wali bilaaban xilli ciyaareedkooda horyaalka premier league wax kulan ahna aan u safan kooxdooda.

Victor Lindelof:

Man United ayaa xiddigan reer Sweden ka soo bixisay lacag dhan 31 milyan oo euro kadib markii lala xiriirinayay bil buuxda.

Xiddigan ayaa kaliya United garoonka u galay kulamada Champions League iyo Carabao Cup xilli  Eric Bailly and Phil Jones yihiin dookha 1-aad ee daafaca horyaalka Premier league.

Danny Drinkwater:

Xiddigan khadka dhexe ayaa si lama filaan ah habeenkii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga ugu biiray kooxda difaacanaysa horyaalka Premier league.

Waxa uu kulankii ugu horeeyay ahaa badal aan la isticmaalin laakiin ilaa haatan wax kulan ah umuu safan Blues, waxana uu haatan la dhibaatoonayaa dhibaato dhaawac

Juan Foyth:

Tottenham ayaa da,yarkan reer Argentine kula soo wareegtay lacag dhan 8 milyan oo euro waxana ay u aragtaa xiddig mustaqbal ku leh kooxda.

Juan Foyth ayaa kaliya kooxda u saftay tartanka Carabao Cup waxan  uu Tottenham ugu safan karo kulanka  ugu horeeya hadii uu dhaawac soo gaaro xiddigaha Alderweireld, Sanchez iyo Vertonghen.

Will Hughes:

Will Hughes ayaa ugu dambayn helay fursadii uu doonayay in uu ugu dhaqaaqo horyaalka premier league kadib markii waford ka soo bixisay 8 milyan oo euro.

Waxana uu ilaa haatan ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Watford oo qaab ciyaareed fiican ku kirta ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Aleksandar Dragovic:

Xiddiga reer Austria ayaa King Pawor ugu soo biiray amaah isaga oo ka yimid kooxda Bayer Leverkusen laakiin ilaa haatan wax kulan ah oo premier league uma safan laakiin waxa uu ciyaaray kulankii League cupka ay Leieceter city ka badisay Liverpool.

Willy Caballero:

Kadib markii ay Chelsea iska iibisay Asmir Begovic Antonio Conte ayaa kooxdiisa ku soo daray goolhayahaa khabiirka ah ee Caballero si uu badal ugu noqdo goolhaye hibaut Courtois waxana uu ciyaari karaa kaliya hadii uu goolhayaha reer Belguim dhaawacmo.

Ayaa Kale oo aan Wali ciyaarin Kulan Horyaalka Ah?

Arsenal – Per Mertesacker, David Ospina, Jack Wilshere, Santi Cazorla

Bournemouth – Artur Boruc, Brad Smith, Aaron Ramsdale

Brighton – Connor Goldson, Uwe Hunemeier, Niki Maenpaa, Steve Sidwell, Jiri Skalak

Burnley – Kevin Long, Charlie Taylor

Chelsea – Kenedy

Crystal Palace – Jason Lokilo, Jordon Mutch, Julian Speroni

Everton – Ademola Lookman, Maarten Stekelenburg, Joel Robles

Huddersfield – Joel Coleman, Martin Crainie, Joe Lolley

Leicester – Ben Hamer, Leonardo Ulloa

Liverpool – Jon Flanagan, Danny Ward

Man City – Phil Foden, Yaya Toure, Oleksandr Zinchenko

Man United – Michael Carrick, Sergio Romero

Newcastle – Rolando Aarons, Karl Darlow, Henri Saivet, Freddie Woodman

Southampton – Pierre-Emile Hojbjerg, Jeremy Pied, Stuart Taylor, Matt Targett

Stoke – Charlie Adam, Lee Grant, Harry Souttar, Josh Tymon

Swansea – Kristoffer Nordfeldt

Tottenham – Georges-Kevin Nkoudou, Tashan Oakley-Boothe, Michel Vorm

Watford – Isaac Success, Marvin Zeegelaar

West Brom – Nacer Chadli, Jonathan Leko, Gareth McAuley, Boaz Myhill, Kane Wilson

West Ham – Adrian, Sam Byram