Xulka qaranka Argentine ayaa ku jira wakhti adag xilli ay ku jiraan kaalinta 6-aad ee kala saraynta is reeb-reebka koobka adduunka Russia 2019 xilli kaliya hal kulan u haray.

Argentine ayaa gaartay natiijooyin niyad jab leh oo uu ugu dambeeyay bar-barihii ay la galeen xulka qaranka Peru kulan ka tirsanaa is reeb-reebka.

Messi ayaa kulankaas soo bandhigay qaab ciyaareed fiican laakiin waxa uu sidoo kale soo bandhigay dhacdo qosol leh oo dad badan ka qoslisay.

Lugta bidix ee Lionel Messi ayay si aad ah uga baqaan goolhayayaasha sidoo kale lugta midig laakiin arinta ayaa markan ka duwanayd xilli uu xiddigan kubada u laagay si la yaab leh kadib markii uu kubada u laagay meel ayna cidna ka jirin taas oo keentay in Twitter-ka looga maadsado.

Halkan ka daawo Muuqaalka :