Jose Mourinho Oo Kooxdiisa Ka iibin Doono Juan Mata & Sababta Oo La Ogaaday

0
42

Tababaraha Kooxda Man United ayaa qorshaynaya in uu iska iibiyo xiddiga khadka dhexe ee Juan Mata si uu wado ugu baneeyo xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil kaas oo ay United xiiso u qabto.

Warkan ayuu sheegay saxafiga caanka ah ee wax ka qora wargayska ka soo baxa manchester ee Manchester Evening News James Robson.

Ozil ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan manuu muujin wax calaamad ah oo uu heshiis cusub ugu saxiixayo kooxdiisa Arsenal.

Xiddigan reer Germany ayaan Gunners u ciyaarin labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier league ee ay Gunners la ciyaartay kooxaha Brighton iyo West Brom.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu Ozil doonayo in uu dib ula midoobo Jose Mourinho oo ay horay uga soo wada shaqeeyeen kooxda Real Madrid.

Mata ayaa sidoo kale ka mid ahaa kooxda 1-aad isaga oo ku bilowday 7-dii kulan ee premier league isaga oo dhaliyay hal gool.

Robson oo ah wariyaha warkan shaaciyay ayaa sheegay in uu Jose Mourinho go,aan ku gaaray in uu iibiyo Juan Mata xagaaga si uu si xor ah ugu helo Ozil xagaaga dambe.