Suuqa kala iibsiga ayaan furmi doonin ilaa laga gaaro 1 bisha January ee sanadka 2018 laakiin kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa bilaabay in ay raadiyaan xiddigo ku haboon kooxdooda oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer Frnace ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in uu saddex goolhaye midkood u dhaqaaqi doono si uu ugu xoojiyo goolka kooxdeeda xilli ay isha ku hayso David De Gea,Gianluigi Donnarumma iyo Jan Oblak (Calciomercato).

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Geoffrey Kondogbia kaas oo haatan amaah kula jooga kooxda Valencia (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Spartak Moscow ee Quincy Promes marka la gaaro suuqa January (TMW).

Kooxda PSG ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga diirada u saaran kooxda Man city ee Alexis Sanchez marka uu dhamaado heshiiskiisa Arsenal (Le Parisien).

Xiddiga daafaca midig uga ciyaara kooxda PSG ee Thomas Meunier ayaa qorshaynaya in uu ku biiro kooxdiisa Riyada ee Man United xilli uu xiiso ka helayo tababare Jose Mourinho (TMW via The Sun)

Kooxda Barcelona ayaa suuqa dhigi doonta xiddiga reer Brazil ee Rafinha xilli uu xiiso ka helayo kooxaha  Arsenal iyo AC Milan (SuperDeporte)

Kooxda difaacanaysa horyaalka Holland ee Feyenoord ayaa doonaysa in ay dib ula soo wareegto xiddigii hore ee kooxda Man United ee Robin van Persie (Aksam)

Kooxda Inter Milan ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga dhaawacaa la dariska ah ee kooxda Dortmund Marco Reus (TMW).

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu ka ciyaaro weerarka tooska ah waana sababta uu Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ugu sheegay in aanu la soo saxiixan weeraryahanada Robert Lewandowski iyo Harry Kane (Calciomercato).